- Advertisement -

- Advertisement -

Fiqi oo Ka Badbaaday Qarax.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in uu ka badbaaday qarax la doonayay in lagu dilo oo gaarigiis loogu xiray.

Isagoo xalay warbaahinta kula hadlayay Magaaladda gaalkacyo ayuu ugu horeyntii ka hadlay howlgal ka dhacay Gaalkacyo,kaasi oo lagu dilay nin la sheegay inuu ahaa Amiirkii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Magaaladda  Gaalkacyo.

Sidoo kale howlgalka ayaa lagu qabtay Laba nin oo la sheegay in Dagaalyahanadda Al-Shabaab la shaqeynayeen.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in uu ka badbaaday qarax la doonayay in lagu khaarijiyo oo gaarigiisa loogu xiray.

Waxa uu sheegay In ninka qaraxa gaarigiisa ugu xirey la yaqaano,islamarkaana gacanta lagu hayo.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka gaalkacyo ee Gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan Ciidamadda amniga,islamarkaana aysan soo dhaweynsanin dagaalyahanadda shabaab ee fuliya qaraxyadda iyo dilalka.

“Ciidamada Amniga waxay qabteen nin lagu magacaabo Aweys oo ahaa nin ganacsade la yaqaanay, kaasoo doonayay in gaariga aan watay uu ku xiro qarax, ciidamada ayaa qabtay, ninkaas markii la qabtay wuxuu sahlay inuu sheego amiirkiisa, waxaana howlgal Ciidamada Amniga oo kaashanaya kuwa DANAB ku doonayeen inay ninkaas ku soo qabtaan uu dagaalamay, rasaas ku furay, markii dambena ay Ciidamada toogteen, waxaa ay soo heleen bastoolad iyo walxo qarxa.

Leave A Reply

Your email address will not be published.