- Advertisement -

- Advertisement -

Gabdho Soomaaliyeed oo shil baabuur ku dhintay Ohio .

Gabdhahan Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed  ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Dalka Mareykanka.

Saraakiisha laamaha ammaanka Mareykanka ayaa wada baaritaano ku aadan waxyaabaha sababay shilkaasi gaari oo ka dhacay Gobolka Ohio ee Wadanka Mareeykanka .

Ehelada gabdhahaas ayaa sidoo kale sheegay in dhaawac uu soo gaaray gabar kale oo lagu magacaabo Aamino Maxamed oo la dhalatay gabdhaha shilkaasi ku dhintay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Magaalada Columbus ayaa  sheegaya in ay haatan hayaan xogo ku saabsan in gaariga oo xawaare ku socday uu ku dhacay gaari kale,balse ay baaritaano dheeraad ah haayaan.

Bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareeykanka  ayaa dareen naxdin leh ka muujiyay geerida gabdhahaas,waxaana la qorsheynayaa in meydkooda la aaso,waxaana ay xilligaasi ku guda jireen booqashada qaar ka mid ah eheladooda.

Leave A Reply

Your email address will not be published.