- Advertisement -

- Advertisement -

Gudoomiye Mursal : Waxaan ahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya laakiin MA AQAAN qaabka loo Qoro Sharciyada .

Waxaa Baryahan shacabka Somaaliyeed isla dhex ordayeen oo ay aad u hadal hayeen Khudbad uu jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal.

Khudbadaas oo uu Gudoomiyuhu uga hadlay, aadna u dhaleeceyay Sharci ay soo diyaarisay Wasiirad ka mid ah Xukumada hada wadanka ka talisa .

Waxaa Nasiib Xuma ah in Mursal oo ah Gudoomiyaha dhan ee Barlamaanka Somaliya, oo Masuuliyadiisuna ay Tahay in uu hogaamiyo Barlamaanka Wadanka, oo shaqada loo doortay ay ugu muhiim santahay Sameeynta Sharciyo Cusub iyo ilaalinta Sharciyadii hore ee Wadanka Soomaliya.

Mursal wuxuu goobtaas ka muujiyay in uusan wax Aqoon ah u laheeyn Qaabka loo Qoro Sharciyada aduunka.

Mursal Waxaa uu Halkaas eed iyo aflagaado ugu Geeystay Wasiirada soo Qortay Sharciga. isaago halkaas ku Kufsaday Sharcigaas .

Sharcigan ayaa ah sharci hada wadanku aad iyo aad ugu baahanyahay, Madaama Falka ama Dambiga Kufsiga aad ugu soo badanayo Somaliya. Mursal wuxuu ka been sheegay Waxa uu Sharcigaas ku Saabsan yahay .

Mursal waxaa uu meesha ka akhriyay hadii aad dhageeysatid waxaa kuu Cadaaneeysa, in sida uu isagu u fasirtay Sharcigaas ay Khaldan tahay.

Muxuu Sharcigani ku saabsan yahay sidee ayuu fasiray Mursal ?

Sharciga uu meesha ka akhriyay wuxuu ku saabsan yahay KUFSIGA .

Sharcigan ayuu mursal u badalay wax kale, Wuxuuna aad ugu soo Cel celiyay ereyga FUTADA.

Waxaa nasiib daro ah in uu Gudoomiyihii Dhamaa ee baarlamaanka hogaaminiyay waxba ka aqoon Qaabka sharciyada loo qoro ama loo Fasiro Sharciyada la Qoray.

Wuxuu Sheegay Khaladka Koowaad ee ku Qoran Sharcigan , in uu Yahay in “Dumarku Wax kufsan karaan ama Gali karaan dambi Galmo” Wuxuuna sheegay in ereyga FUTADA uu yahay Khalad in lagu qoro Sharcigan . Wuxuu meesha soo Galiyay Khaanis iyo wax uusan Sharciga laga Doodayay Shaqo ku leheen.

Sharciga markii la Qorayo, waa in uu Qeexaa ama ka hadlaa Fal walba oo uu qofka Bila aadanka ku kici karo ama sameen karo .

Sharcigu kama Xishoon karo eray ku jira Luuqada soomaaliga

Sharcigan Waxaa uu ku saabsan yahay KUFSI kali ah , hadaba Kufsiga Sii nooce ah ayuu u dhicii karaa ? Suaal: ma xubinta taranka kaliyaa? mise Dambiiluhu, qofka kale wuxuu ka kufsan karaa meela kale ?

Hadii aan Sharciga lagu Qeexin si cad falka Kufsiga iyo dhamaan xubnaha bila aadamka laga kufsan karo miyeeysan imaan karin Hadii eedaysane maxkamad la soo istaajiyo in uu yiraahdo “anigu Dambi ma lihi Sababtoo ah waxaan Qofka ka isticmaalay meel kale , meeshaas oo aan eheen meesha uu sharciga wadanku Qeexayo”

Kufsiga iyo Zinada

Mursal wuxuu iska dabakhay Laba Sharci oo loo baahanyahay in Labadaba ay ku Jiraan Sharciyada Wadanka.

Sharciga Kufsiga iyo Sharciga Zinada .

Waxaa loo baahanyahay in Labadaas aan laysku soo Qaban oo ay ahaadaan laba dambi oo si cad ugu Qeexan Sharciyada wadanka Soomaliya . Waa in eedaysanaha loo cadeeyo dambiga uu galay .

Tusaale: Waxaa lagugu soo Oogay Dambi zina ah”
iyo
“Waxaa lagugu soo oogay dambi Kufsi ah”

Gudoomiye Mursal wuxuu cadeeyey in uu hayo shaqo uusan xirfadeedi laheen , Taasina waa NASIIB DARO .

Sharciga ka akhriso hoos. ma KUFSI buu ka hadlay? ma Zina ayuu ka hadlay? Ma Khaniisnimo ayuu ka hadlay ?
Aragtidaada ka dhiibo.

Qofkasta wuxuu Galayaa Fal Dambyeed kufsi ah hadii uu Si ula kac ah u galiyo haba yaraatee waxa kasta oo la galiyo daloolka xubinta taranka , Futada , ama xubinta taranka ee qof kale ama adeegsado wax kasta ama xubin ka mid ah Jidhka hadii Qofka kale uusan ogaleen wax galinta .

Daawo Video ga

Qoraa : Liban Farah

[email protected]

Leave A Reply

Your email address will not be published.