- Advertisement -

- Advertisement -

JubbaLand ‘LABADEEDA’ Madaxweyne oo Xaflado loogu Sameeyay Minneapolis.

Waxaa Magaalada Minneapolis ka dhacay 2 Xaflad oo maalmo isku xiga la dhigay, Xafladahaas oo la sheegay in loo dhigay Madaxweynayaasha Jubba land .

Xafladii Kowaad ayaa dhacday Habeenkii Jimcaha, Xafladaas oo loo dhigay Cabdinaasir Seeraar oo Boqolaal shacab ah oo meesha isugu yimid ku tilmaameen in u Yahay Madaxweynaha Jubba Land madama uu ku guuleeystay Doorashadii ka dhacdday Kismaayo .

Taageerayaasha ayaa Xaflada ugu Durbaan tumay Cabdinaasir Seeraar iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin guusha Doorashadiisa Madaxweyne nimo .

Xafladan ayaa dad badan ku tilmaameen waali cas madaama sida la shaaciyay Doorashada Jubba Land ku guuleeystay Madaxweynihii Hore Axmed Madoobe , shacabka taageersan Seeraar ayaa hadaladaas dhag u dhigin .

Taageerayshaa Seeraar

Taageerayshaa Seeraar

Xafladii Labaad.

Habeenkii Sabtida Sept 1 Waxaa sidoo Kale ka dhacday isla Magaaladan Minneapolis Xaflad lagu taageerayay Axmed Madoobe oo Isagana la sheegay in uu ku Guuleeystay Doorashada Madaxweynaha JubbaLand .

Sidoo Kale Boqolaal Shacab ah ayaa yimid Xafladan iyagoo amaan iyo Taagero uu Muujiyay Axmed Madoobe , iyagoo sheegay in uu Yahay Madaxweynaha XAQA ah ee Gobolka JubbaLand.

Is Xagxagashadan Siyaasaded ayaa waxaa laga Baqayaa in ay Khal khal Galiso nabada iyo Xasiloonida JubbaLand,Maadaama uu Gobalku Yeelan Karin 2 Madaxweyne .

Taageerayaasha Ahmed Madoobe

Liban Farah

E-mail: [email protected]

Leave A Reply

Your email address will not be published.