- Advertisement -

- Advertisement -

Lafta-gareen oo loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo beddelaya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Lafta-gareen ayaa ku guuleystay doorasho dhowr mar oo hore dib loo dhigay oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu helay 101 cod, oo ah in ka badan laba meelood saddex meel codadka guud, taasi oo ka dhigtay inuu kusoo baxay wareeggii koowaad ee doorashada.

Waxa uu ka adkaaday oo kaalinta labaad galay Aadan Maxamed Nuur Saransoor, kaasi oo helay 22 cod.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa saddex goor dib la dhigay ka hor inta aysan maanta qabsoomin, waxaana hareeyey rabshado dad badan ay ku dhinteen kadib markii dowladda Soomaaliya ay xirtay Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta.

Leave A Reply

Your email address will not be published.