- Advertisement -

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo oo Moshin laga Gudbiyay.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay guddoonka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inuu ku kacay qiyaano-qaran, isla markaana uu ku xadgudbay dasuurka qaranka.

Xildhibaannada waxay sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu si aan waafaqsaneyn dastuurka qodobka 36aad uu dowladda Ethiopia uu ugu dhiibay Cabdikarim Qaldbi-Dhagax, taasoo xad-gudub ku ah dastuurka Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah la galay dowladda shisheeye, oo sheegay inay la saxiixdeen Soomaaliya heshiishyo lagu wareejinayo dekedaha Soomaaliya, Sidoo kalena lagu mideynayo waddamada Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

Xildhibaannada qodobada kale ee madaxweynaha ku eedeeyeen waxaa ka mid ah inuu ku faragelin ku sameeyay arrimaha gaarka u ah maamul-goboleedyada, sida doorashooyinka, deganaashaha amni iyo siyaasaeed, isagoo ciidamo u diray si loo afduubo doorashada Koonfur-Galbeed.

Guddoomiyaha baarlamanka ayaa mooshinka ka guddoomay xildhibaanada.

Xafiiska madaxweynaha Somalia ayaan wali si rasmi ah uga hadlin mooshinak madaxweynaha laga gudbiyay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.