Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George Herbert Walker Bush oo gaaray da’da 94-sano jir ayaa habeenimadii xalay ku dhintay dalkaasi,ka dib markii muddo sided bilood ka hor ay sidoo kale dhimatay xaskiisii , Barbara Bush.
George W Bush oo ah wiilka uu dhalay ayaa xaqiijiyay geerida aabihii oo sanadihii u dhexeeyay 1989 to 1993, soo qabtay xilka madaxtinimo ee dalka Mareykanka.
Waxuu ahaa Madaxweynihii 41-aad ,waxaa xilka kala wareegay Bill Clinton halka sided sano ka dib uu xilkaasi qabtay wiil uu dhalay marxuumkaaasi.
Bishii April ee sanadkan ayaa la dhigay Isbitaal, todobaad kaddib markii ay geeriyootay xaaskiisa Barbara.
Intii uu talada hayay waxaa lagu xusuustaa inuu hormuud u ahaa dagaalkii Ciraaq lagu qaaday, markii ay ku duushay Kuwait, taasoo sabab u aheyd in dalka Ciraaq ka soo baxaan Kuwait.
George Herbert Walker Bush,waxa uu soo qabtay xilal kala duwan sida maamulaha CIA,xubin ka mid ah kongereyska Texas iyo madaxweyne ku xigeenkii Ronald Reagan
Waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee ku dhinta da’da 94-sano jir,wuxuuna ka soo jeeda qoyskii labaad ee wiil iyo aabihii ay qabtaan xilka madaxtinimada maraykanka marka laga yimaado Madaxweyne John Adams sanadkii1797-1801.