- Advertisement -

- Advertisement -

Mareykanka oo sheegay in duqeyn uu ku dilay rag ka tirsan Alshabaab

Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay dileen xoogag ka tirsan Alshabaab kadib duqeyn ka dhacday gobolka Shabeelada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykankanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay la beegsadeen saldhig Alshabaab ay ku lahaayeen meel u dhow deegaanka Basra ay ku dileen 4 kamid ah dhaq dhaqaaqa Alshabaab isla markaana aanay jirin khasaare dad rayid ah kasoo gaaray duqeynta.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda maalin ka hor ka hadashay duqeynta lala beegsaday Alshabaab iyadoo war qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda Sirdoonka ee NISA lagu sheegay in duqeynta lagu dilay rag ka tirsanaa Alshabaab iyo hogaamiyahooda walow taliska Mareykanka ee Afrika uusan sheegin in hogaaamiye ay ku dileen duqeynta ka dhacday meel u dhow Basra

Mareykanka ayaa xoojiyay duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysanayaan deegaanada ay ku xooggan yihiin ururka Alshabaab iyadoona ay xusid mudan tahay in sanad gudihii uu Mareykanku uu in dhow 40 duqeymood ka fuliyay Soomaaliya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.