- Advertisement -

- Advertisement -

Maxaa ka Jira Wararka Sheegaya in la Furay Ilhan Omar?

Wargeyska Dailymail ee kasoo baxa dalka Ingriiska ayaa daabacay Qoraal ku saabsan Guurka Ilhan Omar , Kasoo sheegaya in la Furay Ilhan .

Maxaa ka Jira Furiinka Ilhaan Omar ?

Dailymail oo ah Wargeysyada Nooca loo yaqaano”Tabloid” kuwaaso qora wararka Xanta ah iyo warar aan la Xaqiijiin ayaa Daabacay Qoralka sheegaya in la Furay Ilhan Omar .

Dailymail oo Arinta Ilhan Omar cadeen uga dhigay maadama ay u Guurtay guri Cusub oo ku yaala Bartamaha magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ay taas cadeeyneeyso in Ilhan noqotay “Single” oo ay ka guurtay gurigeedi hore ay wada daganaayeen Seygeedi ama ninkeedii hore Axmed Xirsi.

Wargeyska Dailymail ayaa sidoo kale daabacay sawirada ninka qaba ilhaan Axmed Xirsi oo joogay Makhaayad Shaaha Starbucks Maalintii ay ka soo dagtay Garoonka diyaaradaha ee Minneapolis International Aiport halkaas oo aad loogu soo dhaweeyay.

Ilhan markey Garoonka ka soo dagtay maalintaas ayaa waxaa garoonka buuxiyay dad aad u fara badan oo u mujinayay tageero kadib Markay is xag xagteen Madaxweynaha Donald Trump kaasoo cunsuriyeeyay Ilhan Omar oo ku yiri “Ku noqo wadankaad ka timi”

“Daily mail waxa ay dadka weeydiiyeen maxuu ninka Qaba Ilhaan ka hayay Makhaayad Shaaha STARBUCKS wakhti Xaaskiisa ay Joogtay Garoonka diyaaradaha Halkaas oo shacab badani kusoo dhaweeynayeen”

Furintaanka Ilhan Omar ayaa aad loo hadalhayaa madaama ay Jiraan dhacdooyin hore oo ku saabsan guurkeeda kadib markii lagu eedayay in ay horay u saameeysay Guur faalso ah oo ay wadanka Maraykanka ku keentay Nin lagu sheegay in uu ahaa walaalkeed .

Ahmed Xirsi waxaa ay u dhashay 3 Caruur ah

Ilhaan ayaa leh cadaw badan kuwaas oo qaab kala duwan ama sababo kala duwan uga soo horjeeda siyaasadeeda .

Ilhan Omar ayaa Waxa ay ciyaartaa Siyaasada nooca i taabo aan ku taabte . Waxa ay yeelatay cadaw badan kuwaas uu ka mid yahay Madaxweynaha Donald Trump .

Shacabka Soomaaliyeed ee u doortyay xilka ay hada heyso Ilhaan Omar ayaa badankood hada kala noqday taageeradii ay u hayeen kadib Markay Taageero cad u muujisay Qomaluudka ku nool wadankan . Ilhan Omar oo mar walba Warbaahinta la soo istaagta iyadoo sheegaysa in ay dadaal ugu jirto u dagaalanka Xaquuqda Khaniisinta .

Doorashada sanadka soo socda 2020 ayaa waxaa la filayaa in ay isa soo sharaxaan Somali badan oo raba in ay Xilka ka qaadaan Ilhaan Maadama ay taageertay inta ay Xafiiska heysay waxyaabo lid ku ah Diinta Islaamka iyo dhaqanka Somaalida.

Liban Farah (Email:[email protected])

Minneapolis

Leave A Reply

Your email address will not be published.