Nin Taajir ah oo ku riyoonaya in uu noqdo heesaa

Nolosha waxa uu ka gaaray guul weyn, waa Nin taajir ah , sanadkii lasoo dhaafayna shirkadiisa waxa ay samaysay lacag dhan $243 milyan oo doolar, sidaas oo ay tahay hamigiisa ugu weyn ee uu doonayo in uu nolosha ka gaaro ayaa ah in uu noqdo heesaa.

Magaciisu waa Jasbir Wouhra, waa 65 jir, waxa uu heystaa dhalashada dalka UK, isaga oo sanadkii 1972-dii ka haajiray Hindiya.

Waxa uu leeyahay shirkadda East End Foonds, taas oo samaysay faa’iido boqolaal milyan oo doolar, waxaana ka shaqeeya wax ka badan 400 shaqaale.

Illaa yaraantii ayuu jeclaa heesaha hindiga, gaar ahaan kuwa aflaamka shirkadda Bollywood-ka laga qaado.

“heeso dhawr ah ayaan curiyay, waxaan hadda soo saaray lix album, waxaanan samaynaa heeso aan kali ku ahay” ayuu yiri Jasbir.

Si joogto ah ayuu Hindiya u booqdaa, isaga oo la kulma heesaayo caan ah, si uu ula tabobarto, heesana ula qaado.

Waxa uu hadda xarun ka furtay magaalada Mumbai, halkaas oo uu ku leeyahay koox heesaha la habaysa, una samaysa albumada.

Xitaa gurigiisa oo ku yaala magaalada Burmingham waxa uu ku leeyahay istuudiyoow uu isaga kaliya heesaha ku duubto.

Mr Jasbir ayaa sheegay in haddii uu qof doonayo in uu magac sameeyo, meeshii uu ku samayn lahaa ay tahay shirkadda Bollywood iyo heesaha Hindiga.

Mar uu kasoo muuqday masraxa xili lagu jirey bandhig faneed isaga loo qabtay ayaa waxa uu la mid ahaa sidii nin dhalinyaro 20 jir ah marka laga hadlayo tamarta iyo qiirada ku jirta.