- Advertisement -

- Advertisement -

Nuur Cadde oo Covid 19 U Geeriyooday.

Allaha u Naxariisto Raisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) oo dalka ingiriiska ku geeriyooday maanta oo arbaca ah.

Waxaa xaqiijiyay Geeridiisa Wiilkiisa Haji Mohamed Nuur Cadde.

Nuur Cadde ayaa lagu aasi doonaa magaalada London, maadaama aanay suura gal aheyn in Soomaaliya loo soo qaado, si loogu aaso maadama ay xayiran yihiin isku socodka duulimaadyadda.

Xaaji Maxamed Nuur Cade oo la hadlay BBC-da ayaa dhawaan u xaqiijiyay in aabihii uu ku jiro isbitaal ku yaala magaalada London, halkaasina lagu dabiibayo, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay cudurka Covid-19.

Allaha u naxariistee Nuur cadde ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sanadihii 2007-2009, dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Leave A Reply

Your email address will not be published.