Raiisul wasaaraha Hindiya oo booqanaya dhulka Falastiin.

Raiisul wasaaraha Hindiya

Raiisul wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi ayaa booqanaya daanta galbeed ee Falastiin, halkaa oo uu wadahadal kula yeelan doono madaxweynaha Falastiniyiinta Maxamuud Cabaas.

Booqashada raiisul wasaaraha Hindiya ayaa imaneysa xili uu sii xoogeysananyo xiriirka u dhaxeeyo Israiil iyo Hindiya. Dadka qaar ayaa booqashada raiisul wasaare Modi u arka inay tahay mid dowladda Hindiya ay isu dheelitireyso xiriirka kala dhaxeeya Falastiin iyo Israiil oo ay xurguf u dhaxeyso.

Dowladda Hindiya ayaa in muddo ah taageeri jirtay baahida loo qabo in Falastiin ay noqoto dal madaxbanaan, balse raiisul wasaare Modi ayaan booqanin daanta galbeed, kadib markii sannadkii aynu soo dhaafnay uu tegay Israiil.

Raiisul wasaare Modi ayaa maanta ka ambabaxay dalka Urdun, taasi oo qeyb ka ah safaro uu ku marayo dalalka Cumaan, Imaraatka iyo dhulka Falastiin.

Sidookale raiisul wasaaraha Israiil ayaa dhawaan booqday dalka Hindiya, halkaas oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa dhawaan magaalada Qudus u aqoonsaday inay tahay caasimadda Israiil, waxaana tallaabadaasi ay dhalisay caro ka dhan ah Mareykanka iyo in wadamada ugu quuwadda weyn caalamka ay ku kala qeybsamaan go’aanka maadxweynaha Mareykanka.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa ay ka wada hadli doonaan iyo waxa kasoo bixi kara wadahadalka raiisul wasaaraha Hindiya iyo hogaamiyaha Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here