- Advertisement -

- Advertisement -

Sanbalooshe oo xabsiga ladhigayo .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay wadaa qorshe balaaran oo ka dhan Cabdullaahi Sanbaloolshe, sidda ay sheegayaan warar lagu Kalsoon yahay.

Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya ayaa waxaa uu ku biiray mucaaradka xukuumadda, isaga oo ka tirsan xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud.

Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa diyaarisay kiisas waaweyn oo lagu soo oogi doono Sanbloolshe, sidda aan xogta ku hayno.

Dacwadaha la filayo in lagu soo oogo Sanbaloolshe ayaa waxaa kamid ah; lunsasho lacago wakhtigii uu xilka hayay iyo bixinta xogta Qaranka.

Sanbaloolshe ayaa haatan wuxuu ku sugan yahay magaaladda Nairobi, waxaana la filayaa in la xiro marka uu kasoo dego garoonka diyaaradaha Aaden Cade.

Ciidamadda Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa la siiyey awooda ay kusoo xiri karaan Sanbaloolshe oo mar ahaa mid kamid ah laf-dhabarada Nabad iyo Nolol.

Leave A Reply

Your email address will not be published.