- Advertisement -

- Advertisement -

Sarkaal Ka Tirsanaa warbaahinta Shabaab oo Muqdisho Lagu Qabtay.

Taliska Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), ayaa sheegay in howlgal laga sameeyay Magaaladda Muqdisho lagu qabtay xubin sare oo ka tirsan Warbaahinta Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

Sida lagu daabacay barta Twitterka Nisa sarkaalka ayaa xogtiisa waxaa soo gudbiyay dadka deegaanka Holwadaag,waxayna Ciidamadda amaanka ay ku guuleysteen soo qabashadiisa.

“NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta Al-Shabaab, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan”ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Twitterka ee NISA.

Leave A Reply

Your email address will not be published.