- Advertisement -

- Advertisement -

Shabaab oo Sheegay in ay Dileen Saraakiil Mareykan ah iyo Kuwa Dowladda

Al- Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay ku leeyihiin Duleedka Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubb-land.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku dhinteen 16 Askari oo katirsan Ciidamadda  Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray halka 12 kalae ay dhaawacyo soo gaareen.

Taliska ciidanka Al Shabaab wuxuu sheegay in weerarkii maanta khasaare xooggan uu Mareykanka kasoo gaaray

“Shabaab ayaa camaliyad istish-haadi ah oo ka dhacday deegaanka Janaay Cabdalle ku dilay 4 sarkaal American ah iyo 16 katirsan Ciidamadda Bangaraafta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in askari American ah uu dhaawac kasoo gaaray weerarkii maanta oo ahaa mid labadda Ciidan lagu kadiyay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.