- Advertisement -

- Advertisement -

Taliyihii Booliska ‘Somaliland’ oo geeriyooday.

Wararkaka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in si lama filaan ah uu ugeeriyooday taliyihii ugu sarreeyay ciidamada booliska Somaliland.

Isbitaalka International waxaa ku dhintay Gaashaanlle Cabdullahi Fadal Iman oo caan ka ahaa gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya, wararku waxay sheegayaan in taliyaha dhintay uu kusoo booday cudur aan lagaran kadibna uu dhintay.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka ‘Somaliland’ oo ku saabsan dhimashada taliyihii ciidamada Booliska.
Geerida Gaashaanlle Cabdilahi Fadal Iiman ayaa imaanaysa xilli isbuucii lasoo dhaafay weerar hubaysan lagu qaaday saldhigga Booliska degmada Boorama ee gobolka Awdal.

Leave A Reply

Your email address will not be published.