- Advertisement -

- Advertisement -

Turkiga oo amray in lasoo xiro mas’uuliyiin katirsan Dowlada Sucuudiga .

Warqad kasoo baxday Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Turkiga ayaa lagu amray in lasoo xiro labo mas’uul oo katirsan maamulka Aala-Sucuud. 

Ragga la amray in lasoo xiro waxay kala yihiin Axmad Casiiri oo ahaa kuxigeenkii taliyaha guud ee Sirdoonka maamulka Aala-Sucuud iyo Sucuud Al-qaxdhaani oo ahaa la taliyihii hore ee Muxamed bin Salmaan.

Labadan mas’uul ayaa waxaa horey loogu eedayay iney mas’uul toos ah ka ahaayeen dilkii wariye Jamaal khashogi , waxaana markii ay soo baxday fadeexadaas uu boqorka Aala-Sucuud uu soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday.

Weli dowaldda Turkiga waxay daba taagantahay qadiyadda Jamaal Khashogi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda maamulka Aala-sucuud ee magaalada Istanbuul, waxaana la ogaaday in Muxamad bin Salmaan uu yahay qofka bixiyay amarka lagu dilay wariyahaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.