- Advertisement -

- Advertisement -

Will Soomali ah oo loo soo Xiray DIL uu geeystay.

Will Soomali ah ayaa la soo Xiray kadib markii uu dilay will kale, isagoo ku dilay tooreey ama Mindi uu galiyay 14 Jeer sida ay Booliska Magaalada Minneapolis sheegeen.

Wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Abdirahman Osman Yusuf ayaa hada ku xiran xabsi ku yaala Bartamaha magaalada Minneapolis isagoo maxkamad sug ah .

Wiilka uu dilay oo Magaciisu ahaa Burka Mohammed ayaa loo malaynayaa in uu isaguna ahaa Soomali kale laakiin Wali lama Xaqiijin .

Booliska Minneapolis waxeey sheegeen in labada wiil ay wada socdeen oo ay aadeen fiidnimadii habeenka dilku dhacay meelaha lagu caweeyo.

Wilaal kale oo soomali ah oo la so socday wiilka la dilay iyo wiilka kale ayaa Sheegay in ay murmeen labada wiil kadibna uu Abdirahman Osman Tooriyeeyay wiilka kale ilaa ay nafta ka baxday.

Dilka uu geeystay daraadiis Abdirahman Osman Yusuf waxaa la filayaa in lagu xukumo Xabsi ilaa 25 sano .

Magaalada Minneapolis Ayaa amaankeeda ka soo darayaa maalmahan.

Waxaa habeenkii khamiista lagu dilay Isla magaaladan Minneapolis nin kale oo Soomali ah .

Allah ha naxariistee Abdi Nuur Hayir ayaa lagu toogtay guriga uu daganaa dhexdiisa , Booliska magaalada Minneapolis ayaa hada wada baaritaanka dilkaas iyagoo aan wali kasoo Saarin maclumaad dheeraad ah .

Leave A Reply

Your email address will not be published.