Iska hor’imaadyo culus oo khasaara nafeed dhaliyay ayaa maalintii labaad ka socda gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo daacad u ah dowladda Federaalka ay toogteen Xildhibaan katirsanaa maamulka Koonfur galbeed islamarkaana ay isku dhowaayeen Mukhtaar Rooboow oo shalay dagaal lagu qabtay.
Ciidamo bishii lasoo dhaafay ay xukuumadda Kheyre diyaarado ku geysay Baydhabo ayaa dagaal culus kula jira maleeshiyo beeleedyo iyo ciidamo daacad u ah Mukhtaar Rooboow.